WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo Beenisay in wada hadal u socdo Soomaliland-Video

Boosaaso ( Horufadhi News )-Afhayeenka madaxtooyada maamul Gobaleedka Puntland Cabdullaahi Quraan-jecel oo wariyayaasha kula hadlay Boosaaso, ayaa xaqiijiyay inuusan jirin wax heshiis ah iyo xata wadahal ah u socda Puntland iyo Soomaaliland, kaddib wareysi u bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , Sacad Cali Shire oo sheegay inay socdaan dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lugu xalliyo xiisada labada dhinac ee gobolka Sool.

Quranjecel , wuxuu sheegay Puntland inaysan wax wadahal ah ka gali doonin gobolka Sool “ Waxaan waydiinaya wasiir Sacad Cali Shire xagge kula heshiineysa Puntland – ma Laascaanu leeyahay .. ma waxay kula heshiineysa Puntland Garoowe iyo Laascaano dhexdooda – Waxaan u sheegney shacabka Soomaaliyeed horeyna ugu sheegney shacabka Soomaaliland waa la xoreynaya Laascaano waa dhul Puntland, waa dhul dastuuri ah.” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka madaxtooyada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa kalo sheegay qodobbada u akhriyay Wasiirka Saacad Cali Shire inay soo jeediyeen beesha caalamka , markii ciidanka Soomaaliland ay gaareen deegaanka Tukaraq.

Muranka gobolka Sool ee labada dhinac ayaa xooggeystay tan iyo markii ciidan Soomaaliland ay la wareegeen gacan ku heynta Tukaraq, waxaana halka dhowr mar ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidammada isku horfadhiya ee Puntland iyo Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top