WARARKA SOOMAALI

Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khsaare ka dhashay-Faahfaahin

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay afaafka hore ee labo maqaayad oo isku dhow oo ku taal degmada Hodan, kuna dhow agagaarka Isgoyska Banaadir.

Qaraxan ayaa markii hore waxaa ka soo baxayay warar kala duwan, iyadoo la sheegayay in la bartilmaameedsaday Posh Treats oo ah maqaayad caan ah, balse maqaayad kale oo ku dhow, laguna magacaabo Pizza House ayuu sidoo kale saameeyay.

Rasaas ayaa la maqlayay qaraxa kaddib, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta hareereeyeen, isla markaana xiray wadada labadeeda dhinac

Labada maqaayad ayaa jirin cid gudaha u gashay, balse markii hore waxaa jiray shaki ku aadanaa in rag hubeysan gudaha u galeen.

Dadka ayaa markii hore isku qaldayay labada maqaayad, halka la bartilmaameedsaday, maadaama ay isku dhow yihiin.

Xaalada ayaa iminka ah mid degan, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku haya, waxaana socda tira koobka khasaaraha uu geystay qaraxa.

Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegaya inuu jiro khasaare aad u xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxan.

 

SOMALI NEWS

To Top