WARARKA SOOMAALI

Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Gaari Ciidan & Khasaaro ka dhashay

Ugu yaraan 9 Askari ayaa geeriyootay,  halka 16 kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii Weerar Is-qarxin ah Maanta Isniin ah lala beegsaday Gaari ay la socdeen Askar ka tirsan Booliska Gobalka Balochistan ee K/Galbeed ee dalka Pakistan.

Is-qarxiye watay Mooto ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari ay ciidanka la socdeen oo marayey Buundada Kambri Bridge oo u dhexeysa degmooyinka Sibi iyo Kacchi.

Askarta dhaawacntay waxaa la dhigay Isbitaalka Sibi Civil Hospital, iyadoo Diyaarad Helikobtar ah loo diray magaaladda Bolan oo u dhow halka ay Is-qarxintu ka dhacday.

Ma jirto Koox sheegtay Qaraxaasi, waxaana socda Baaritaan lagu ogaanayo dhacdadaasi.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Pakistan,  Shebhaz Sharif iyo Guddoomiyaha Gobalka Balochistan,
Mir Abdul Qudoos Bizenjo waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Qaraxaasi, kana Tacsideeyey Askartii ku geeriyootay.

Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Gaari Ciidan & Khasaaro ka dhashay
To Top