WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo dib uga qarxay duleedka Laascaanood

Dagaalka xooggan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidanka Maamulka Somaliland ayaa waxa uu saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland oo joogay duleedka Laascaanood ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan halkaasi, balse ay iska difaaceen ciidanka degaanka ee SSC.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, isla markaana ay socotay waan-waan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya.

Maamulka Somaliland ayaa duullaan waaweyn kusoo qaaday dadka reer Laascaanood, waxaana ciidanka maamulkaas ay xasuuq ka geysteen halkaas oo ay ku lahaayeen dad shacab ah, iyaga oo sidoo kale burburay dhismayaashii ku yaalay magaalada badankood.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo dib uga qarxay duleedka Laascaanood
To Top