WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Deni oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan Dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo aad u farabadan.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka dhiiga badan ku daatay ee Laascaanood ka dhacay uu u dhexeeyay oo kaliya dadka deegaanka SSC oo sharafkooda iyo magaaladooda difaacanayay iyo ciidanka Maamulka Somaliland oo soo duulaan tagay.

Wuxuu Madaxweynaha caddeeyay in aysan ciidanka Puntland qeyb la aheyn dagaalka, oo aysan waxba ka jirinwarka Somaliland ku sheegay in ciidankooda au ka qeyb galeen dagaalka Laascaanood.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa uu tilmaamay inay diyaar yihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka haddii ay ka dalbadan Garaadada, ayn kalsooni badan ku qabaan dadka reer Laascaanood.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in shacabka Laascaanood u adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna ku baaqay in lagula xisaabtamo Somaliland tacadiyada ay geesanayaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: MW Deni oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan Dagaalka Laascaanood
To Top