WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto Somalia

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka oo looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, kaasi oo ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

James Swan ayaa waxaa uu khudbada uu jeedinaayay kusoo hadal qaaday kulankii uu dhawaan la qaatay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ka dhageystay yoolalkiisa dhow.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” ayuu yiri Wakiil James Swan.

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in “Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso…

“Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn” ayuu kusoo gaba-gabeeyay khudbadiisa Wakiilka UN-ka James Swan.

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto Somalia
To Top