WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Ammaanka oo howlgal qorsheysan ku qabtay Rag looga shakiyay Arrin halis ah

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Eng. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa xalay ka qeyb galay howlgal balaaran oo lugu xaqiijinayay sugida amniga Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalkaan ayaa intii uu socday ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari, Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Cali yare Saraakiil kaloo ka tirsan Ciidamada Booliska.

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dhalinyara ah oo looga shaki san yahay inay qeyb ka yihiim falalka amni daro ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Cali yare oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ragga lasoo qabtay ay baaritaano ku wadaan laamaha amniga, isla markaana looga shakiyay falal amni darro oo ka dhacay Gaalkacyo.

Ciidamada Ammaanka oo howlgal qorsheysan ku qabtay Rag looga shakiyay Arrin halis ah
To Top