WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan kashifay qorshe ka socda Muqdisho oo xilka looga tuurayo MW Lafta-gareen

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho ka bilowday abaabul la doonayo in xilka looga turo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Mahad ayaa kulan ka dhacay Baydhabo ka sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii reer Koonfur Galbeed uga hortagi lahaayeen abaabulka socda ee xilka looga tuurayo Laftagareen.

Waxa uu sheeay Xildhibaanka dadka wada abaabulka xilka looga tuurayo Laftagreen in ay yihiin dad ka yimid qurbaha oon la socon dhibka laga maray dhismaha maamulka ,waxa uuna cadeeyay in ay la dagaalayaan cidii isku dayda in ay carqaladeeso jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Warkan ayaa soo baxaya xilli shalay uu xafiiska Madaxtooyada la wareegay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh la socda siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan kashifay qorshe ka socda Muqdisho oo xilka looga tuurayo MW Lafta-gareen
To Top