WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Puntland oo Maanta shaacisay Natiijada Doorashooyinkii dhacay

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Maamulka Puntland ayaa shaaciyay natiijada rasmi ah ee  doorashooyinkii qof iyo Codka ahaa ee dhawaan ka dhacay deegaannada Maamulkaas iyo liiska Xildhibaanada kusoo baxay Golayaasha deegaannada Puntland.

Doorashada oo ka dhacday 30 degmo ka tirsan Puntland marka laga reebo Degmooyin ka tirsan gobolka Nugaal oo ay ku jirto magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad gaaraya 186 kun oo qof.

Sida ka muuqatay liiska ay soo bandhigeen , Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Maamulka Puntland, ururada Kaah, Mideeye iyo Sincad, ayaa noqday saddex urur ee ugu codadka badan ama ugu kuraasta badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Degmooyinkii ka dhici lahaa saddex degmo ka tirsan Nugaal ayaa loo la baajiyey, dib markii ay ka hor yimaedeen siyaasiyiin hubeysan oo diidan qorshaha Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ay u arkaan inuu muddo kororsi ku raadinayo doorashooyinkan.

DAAWO: Puntland oo Maanta shaacisay Natiijada Doorashooyinkii dhacay
To Top