WARARKA SOOMAALI

Askari Muqdisho ugu dilay Qof shacab Lacag ka yar hal Dollar

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari hubeysan oo ka tirsan ciidanka deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho oo Maanta Nin shacab ah ku dilay suuqa xoolaha Dayax ee ku yaalla deegaankaasi.

Askariga ayaa si bareer ah u dilay ninka oo lagu magacaabi jiray Marxuum Kunciil Kadiye Guure, isla markaana waxa uu kamid ahaa dad xoolaha keena suuqa oo lagu iibiyo xoolaha nool ee Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga uu ninka u dilay lacag ka yar nus Dollar oo lagu tilmaamay inay aheyd canshuur, waxaana durnadii goobta ka baxsaday Askariga hubeysnaa ee falkaas geystay, balse howlgal kadib gacanta lagu soo dhigay.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankiisa ka hadlay dhacdadaan, wuxuuna xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan eedeysanaha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo dilal ay inta badan ciidamada dolwadda u geystaan rayidka, walow maalmihii u dambeeyay ay aad u yaraadeen kadib tallaabooyin ay qaaday dowladda.

Askari Muqdisho ugu dilay Qof shacab Lacag ka yar hal Dollar
To Top