WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh iyo Madax kale oo ka qeyb gashay caleemo-saarka Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Madaxweynaha Turkiga iyo dowladdiisa in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

Xasan Sheekh iyo Madax kale oo ka qeyb gashay caleemo-saarka Erdogan
To Top