WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo ku baaqday in wada hadalka maamulka Soomalind iyo Dowladda Federaalka Garoowe lagu qabto-Vdeo

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad ka qabsoontay Garowe ayaa soo jeediyay in wada hadaladda dowladda federaalka iyo maamulka citiraaf raadinta ah ee Somaliland lagu qabto caasimada Puntland ee Garoowe sida uu hadalka u dhigay.

Wada xaajoodyadda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa arrinta ugu weyn ee la isku hayo waxay tahay maqaamka maamulka Hargeysa oo madax banaani sheeganaya tan iyo sanadkii 1991-dii.

Balse dalalka caalamka oo idil ayaa waxay u aqoonsan yihiin maamul goboleed hoos-taga xukuumadda Muqdisho, oo ku adkeystay in midnimadda umadda Soomaaliyeed ay tahay mid muqadas ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Deni oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi“Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waa caqabad kale, oo hortaagan dhameystirka dastuurka. Waxaan kaloo soo dhaweynayaa in walaalaheen gobolada waqooyi ay Garowe yimaadan, oo ay dooda ka qeybgalaan,,.

Dhawaaqan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadda oo  Puntland ay horey u codsatay in laga qaybgeliyo wada hadaladda “maadaama uu saameynayo ayna la leedahay xuduud”.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo diblumaasiyadeed, mas’uuliyiinta dowlada federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa isku raacay in uu qabsoomo wada hadalo balse dooda waxay ka taagan tahay halka lagu kulmayo.

Dhinaca kale, Deni oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadiisa ay diyaar u tahay martigelinta shirarka quseeya maqaamka Muqdisho, oo sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa mawduucyadda siyaasadeed ee dalka.

“Muqdisho waa magaala madaxdii Soomaaliya, waa magaaladda astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda in dood aanan dhameyn uu ku jiro aad bey noo dhibeysaa, runtii,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, wuxuu meesha ka saarey in uu mugdi ku jiro in gobolada Sool iyo Sanaag ay yihiin dhulka Puntland, wuxuuna carabka adkeeyay in ay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaha iyo dadka maamulkan.

Maqaamka Muqdisho iyo wada hadaladda Somaliland ayaa kamid ah caqabadaha hortagaan dhameystirka dastuurka qabyada ee dalka, maadaama aanan xal rasmi ah laga gaadhin.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top