WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Nuux Taani oo afka furtay kana hadlay Ciidamadii isaga baxay Soomaliland, weerarna ku qaaday Korneyl Caare-Video

Hargeisa  (HM)-Taliyaha ciidamada Milatariga maamulka Somaliland  Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay Ciidan dhawaan ka goostay maamulka Somaliland oo Fadhigoodu ahaa magaalada Badhan ayaa sheegay inay ahaayeen Ciidamo Culays uun ku hayey Somaliland Balse aan waxba u Qaban sida uu hadalka u dhigay isaga oo u muuqda markan inuu iska dhigayo inuu dulqaadkii ka dhamaaday ayuu Nuux Taani wuxuu yidhi“25 Sano ayuunbay mushahaar Somaliland ka qaadanayeen, Wax  ay noogu filnaayeen oo ay Na tari jireen ma jirin,  markaa tagi doodu dhibaato noo keeni mayso, Waan ku Faraxsanahay inay iska tagaan, Lacag bilaash ah ayay Qaadan jireen”.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidmada maamulka Hargeysa  Nuux Taani  ayaa sheegay inay Wacneyd in la toogto  Kornayl Caarre  isagoo ku tilmaamay inuu ahaa Dambiile Qaran, Islamarkaana loo  loo heysto dilka 10 Qof oo isagu ka danbeeyay, wuxuuna xusay iney aheyd in la qisaaso, ee uusan mudneyn in lagu tilmaamo “Geesi”.

“Caare Wuxuu ahaa Kornayl ka tirsan Ciidamada, oo Dhibaato badan Sanaag ka gaystay ayuu ahaa, Iyadoo loo haysto 4-Qof dilkood Rag baa yidhi  hala sii daayo, Markii lasii daayey wuxuu dhacay    Mushahaarkii Ciidamada, Dadka uu dilay kama yara 10-Qof,  Goorma ayuu geesi Noqday  nin Dad islaam ah Xasuuqay, Waxay ahayd in la Qisaaso, Waxaan leeyahay waa Dambiile Caarre “Ayuu yidhi  Nuux Taani oo aad uga xumaaday isla markaana cadho ka muuqato.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadalkan kasoo yeedhay Nuux Taani ayaa waxaa uu dab horleh kusii shidayaa dagaalkii kala dhaxeeyay maamulka Soomaliland Jabhadda Dulmi diid ee uu Hoggamiyo Korneyl Caare oo maalmahan waan waan uga socotay Gobalka Sanaag.

Hore waxaa digniin u siiyey Taani Korneyl Caare oo ogaa inuusan Nuux Taani ahayn nin usoo joogsanaya wuxuuna hore uga digay in awood loo adeegsado.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top