Boosaaso (HM) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhan ah dadka ku lugta kacdoonka ka dhanka ah maamulka ee ay wadaan qaar ka mid ah beelaha gobolka Bari.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Xabsi ku yaalla ku xidhay Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland.
Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso uga qeybgalay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa.
Amarka lagu xidhay Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,isla markaana haatan uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.
Muuse Cali Jaamac oo ah Siyaasiga la xiray ayaa shalay warbaahinta u akhriyey go`aamo kasoo baxay Odayaasha beelaha gobalka Barri qaarkood, kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Deni uusan fulin balan qaadyadii uu sameeyey.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Siyaasigaan la xiray iyo kuwo kale oo la baadi goobayo ay jabiyeen amar dawladeed oo lagu mamnuucay shirarka magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland.
Beelaha ku kacsan Deni oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari.
Horufadhi News