WARARKA SOOMAALI

Odayaasha Guurtida Khaatumo oo ka hadlay Dilkii ka dhacay Laascaanood-Akhriso

Golaha sare ee G-11 Iyo Golaha sare Guurtida Khaatumo Waxay Tacsi u dirayaan Qoyska iyo Ehelada Alle ha naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Timir Oo dhawaantan Dabley hubeysani ku dileen magaalada Laascaanood.

Hadaba waxaan ilaahey uga baryayaa inuu naxariistii Jano eebe ka waraabiyo marxuum maxamed cabdi timir eheladii asxaabtii awlaadii iyo umada reer SSC uu ka geeriyoodey na samir iyo iimaan eebe ka siiyo marxuumkana janadii fardowsa aheyd eebe ka waraabiyo .

Waxaanu Bulshada deegaanka ugu baaqaynaa inay la yimaadaan Qorsheyaal cad-cad oo looga hortago Dhagar-qabayaasha Banaystay inay ugaadhsadaan Haldoorka Bulshada.

Wabilaati Towfiiq || Golaha G11 ee Reer khaatumo

 

SOMALI NEWS

To Top