WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo si Deg-deg ah looga saaray goob uu Dab ka kacay Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si deg deg ah waxaa looga saaray howlka Teendhada Afisyooni oo uu ka furmay Shirweynaha waxbarashada dalka, oo ay ka qeyb galeen madax farabadan.

Sababta Madaxweynaha howlka looga saaray ayaa ayey aheyd, kadib markii uu dab xooggan oo ka dhashay koronto uu ka kacay howlka uu shirweynaha ka socda, taasi oo durbadii keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh halkaas lagala cararo.

Ilaalada madaxweynaha iyo kooxda qaabilsan baratakoolka ayaa tallaabo deg-deg ah qaaday, markii uu dab ka kacay, waxaana madaxweynaha la geeyay qeyb kale maadaama ay xaalad deg deg soo korortay.

Sidoo kale arrintaan ayaa cabsi weyn dhalisay, taas oo ku aadan in dabka uu sii faafo, iyada oo ay goobta ku sugnaayeen madax kala duwan oo uu ugu sarreeyo madaxweynaha Soomaaliya, uud iyo bahda waxbarashada dalka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura isbedashay, waxaana markii dambe lagu guuleystay deminta dabkaas oo daqiiqo kooban socday, Villa Somalia ayaan weli wax war ah kasoo saarin dhacdada dabkaas ka kacay goobta uu ku sugnaa Madaxweynaha.

MW Xasan Sheekh oo si Deg-deg ah looga saaray goob uu Dab ka kacay Muqdisho
To Top