WARARKA SOOMAALI

Dil toogasho ah oo lagu fuliyay Askar ka tirsaneyd DF oo dilal geysatay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Askari oo ka tirsaneyd ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay hore si bareer ah dilal ugu geystay.

Ragan la toogtay oo katirsanaa ciidanka dowladda ayaa horey maxkamadda ciidamada ugu riday xukuno dil ah, waxaana lagu toogtay fagaare kuyaalla Iskool Buluusiya halkaas ay goobjoog ka ahaayeen ehelada askartan la tooganayya iyo saraakiil ciidan.

Labada Askari ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayl.

Cabdi Jamaal ayaa horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey

Sidoo kale Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa isna horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday Maxkamadda, waxaana dhawaan loo toogtay Askar dilal geysatay iyo rag ka tirsanaa Al-shabaab oo la maxkameeyay.

Dil toogasho ah oo lagu fuliyay Askar ka tirsaneyd DF oo dilal geysatay
To Top