WARARKA SOOMAALI

Muhaajiriin farabadan oo ku geeriyootay Doon kula dagtay Badda & Meydadka

Ugu yaraan 22 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku geeriyootay dooni ku degtay meel ka baxsan xeebta degmada Ankazomborona ee waqooyiga dalka Madagascar maalintii sabtida ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo Hay’adda baddaha iyo webiyada dalkaasi ee APFM soo saartay maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay inay doonida la socdeen 47 qof oo Muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Jesiirada Mayotte oo uu maamulo Faransiiska, waxaanala sheegay inay doonida degtay.

Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay inay 23 Muhaajiriin la soo badbaadiyey  halka maydadka 22 kalena la helay, waxaana weli la la’ yahay 2 qof oo ay Kooxaha Gurmadka baadi-goobayaan Raqdooda iyo Ruuxooda.

Sarkaal ka tirsan Boliska Madagascar oo aan doonaynin in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in inta badan Muhaajiriinta markii la soo badbaadiyey ay baxsadeen, iyagoo ka baqanayo in loo xiro Isku-daygooda ku aadan inay u safraan Jesiirada Mayotte ee Faransiiska ku leeyahay Badweynta Hindiya.

Jamhuuriyadda Madagascarayaa  waxay 400 KM u jirtaa xeebaha dalalka Bariga Afrika, Waana Jesiiradda labaad ee waddan ah Caalamka oo dhan ah loo aqoonsan yahay, kadib dalka Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 oo Jesiirad.

Muhaajiriin farabadan oo ku geeriyootay Doon kula dagtay Badda & Meydadka
To Top