WARARKA SOOMAALI

Senatorada Aqalka Sare oo Maanta ansixiyey Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 23-aad.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa, ansixinta xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka dhowrist Xogta, akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Ugu horrayn Sanatarada Aqalka Sare, ayaa guda galay ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka oo uu golaha u soo gudbiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, kana codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan.

Guddiga ayaa cod la geliyay kadibna, waxaa Β lagu meel mariyay xubnihii Guddiga oo ay codka kalsoonida siiyeen soddon sanatar ee kulanka maanta soo xaadirtay, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Intaas kadib ayaa laguda galay ajandayaasha kale ee kulanka, waxaana Golaha akhrinta 1-aad marsiiyay sharciga dhowrista xogta Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif, halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali XagaaΒ  uu isna akhrinta koowaad marsiiyay 𝐬𝐑𝐚𝐫𝐜𝐒𝐠𝐚 π’π¨πœππšπšπ₯𝐀𝐚 π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐚.

Ugu danbayn Sanatarrada Aqalka Sare ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga La-dagaalanka Argagixisada, oo akhrintiisa labaad uu Golaha marsiiyay Senator Adam Abdinasir Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare oo Maanta ansixiyey Guddiga dib-u-eegista Dastuurka
To Top