WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo magacaabay Maareeyaha hay’adda Taya-dhowrka Somaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maareeyaha cusub ee hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed, isagoona sidoo kale xilka qaadis ku sameeyay Maareeyihii hore ee hay’addaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Maareeyaha cusub ee hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed inuu noqdo Cali Yaasiin Gurbe, kaasi oo bedelaya Maareeyihii hore ee xilkaas haayey Aadan Xasan Barre..

Sida lagu caddeeyay wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabista Cali Yaasiin ayaa timid, kadib markii la arkay baahida loo qabo in la dardar-geliyo howlaha hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed.

Xeerka magacaabista Cali Yaasiin Gurbe aya dhaqan-galaya markii uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuuna saxiixay.

MW Xasan Sheekh oo magacaabay Maareeyaha hay’adda Taya-dhowrka Somaliyeed
To Top