WARARKA SOOMAALI

Guudlaawe “Al-shabaab khasaaro Lixaad leh ayey u geysteen Xafiisyada Maamulka”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Is-miidaaminta ee maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lagu weeraray xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ku hanti waayay weerada, wuxuuna xusay in khasaaro lixaad leh oo hantiyadeed ay jiraan.

“Runtii meesha dhibaatada ka dhacday waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran oo ka weyn Maamulka Hirshabeelle, dhibaatada dhacday waa in qaran ahaa loogu soo gurmado, dhammaan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan waa burbureen” ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu intaas kusii daray Guudlaawe inay Jawaab ka bixiyey doonaan qaraxyadii ay Al-shabaab ku weerareen xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan, sida Xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Guddoonmiyaha Gobolka iyo Xafiisyo kale.

default

Guudlaawe “Al-shabaab khasaaro Lixaad leh ayey u geysteen Xafiisyada Maamulka”
To Top