WARARKA SOOMAALI

Dil toogasho ah oo lagu fuliyey Askari si bareer ah u dilay Taliyihiisa

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo jimco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo si bareer ah u dilay Taliyihii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Cabdinaasir Daa’uud ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul buluusiya, waxaana goobjoog ahaa goobta ay ka dhaceysay toogashada xubno ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Xoogga.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmo kahor xukun dil toogasho ah ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo qirtay inuu 29-kii September 2022 si bareer ah u dilay Taliyihiisii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye, sidoo kalena dhaawacay laba qof oo shacab ah.

Cabdinaasir ayaa kal hore Maxkamadda kahor sheegay in sababta uu u dilay Taliyihiisii ay aheyd xaquuq ka maqan uu ka cabanayey, wuxuuna intaas kusii daray inuu isaga  ahaa nin qaban waayay mid kamid ah Shaqooyinkii loo diray oo ahaa in uu qeyb ka noqdo Ciidamo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay gobolada dalka.

Dil toogasho ah oo lagu fuliyey Askari si bareer ah u dilay Taliyihiisa
To Top