WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Qaraxyo ku burburiyey Ceelalbiyo ay ka cabi jireen Dad farabadan

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jicmo aheyd waxaa ay qaraxyo miinooyin ku xireen ceelashii biyaha laga cabi jiray ee ku yaallay deegaano hoostega degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadibna ay burburiyeen dhammaan ceelashii biyaha.

Qaraxyada lagu xiray ceelashii biyaha ayaa waxaa ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayen dad xoolo dhaqato iyo xayawaano kale oo u badan Daanyeero, kuwaasi oo biyo ka cabanayey, xilligii ay qaraxyadu dhacayeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in deegaanada laga burburiyey ceelasha laga afduubtay dad shacab ah oo Rag ah, isla markaana waxaa dadkaasi watay xubno ka tirsan Al-shabaab oo halkaas gaaray shalay.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa hadda ka jirta deegaanada dhaca bariga Gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaalo culus ay ku dhex marayaan Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo garab ka helaya dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaa waxaa deegaanada dalka uga furay dagaalo xooggan oo looga adkaay, waxaana Al-shabaab dagaalada looga dilay xubno farabadan, iyagoona arrintaas ka careysay ayey bilaabeen burburinta ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Al-shabaab oo Qaraxyo ku burburiyey Ceelalbiyo ay ka cabi jireen Dad farabadan
To Top