WARARKA SOOMAALI

MW Biden oo saxiixay Go’aan Ciidanka Mareykanka dib loogu soo celinayo Somalia

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu saxiixay amar u ogolaanaya millatariga Mareykanka  in ay mar kale boqollaal ka mid ah ciidamada hawl-gallada gaarka ah keenaan gudaha Soomaaliya, taas oo inta badan meesha ka saaraysa go’aankii madaxweyne hore Donald Trump ee ku dhawaad 700 oo askari looga saaray Soomaaliya.

Sida uu qoray Wargeysa Newyork Times Mr. Biden ayaa ogolaaday codsi ka yimid Pentagon-ka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad ​​12 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida, saddex ka mid ah saraakiisha ayaa sidaas yiri.

Tan iyo markii Mr. Biden uu la wareegay xafiiska, duqeymaha cirka ayaa inta badan ku koobnaa kuwa loogu talagalay in lagu difaaco ciidamada saaxiibada ah ee wajahaya khatar degdeg ah.

Talaabadan ayaa ka duwan go’aankii uu sanadkii hore ciidamada Mareykanka uga saaray Afgaanistaan, isagoo sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka iska socda.

MW Biden oo saxiixay Go’aan Ciidanka Mareykanka dib loogu soo celinayo Somalia
To Top