WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa la kulmay Taliyeyaasha Booliska & Milateriga

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Xassan Maxamed Xijaar iyo Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya uu la qaato taliyeyaasha ciidamada dowladda.

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda” ayuu yiri Xassan Shiikh

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa wada kulamo kala duwan ka wada magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dib doorashadii uu xalay ku guuleystay, waxaana la filayaa inuu dhowaan xafiiska si buuxda ula wareego.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa la kulmay Taliyeyaasha Booliska & Milateriga
To Top