WARARKA SOOMAALI

Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo dib loo fasaxay

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdinasir Maxamud gurey ayaa sheegay in dhamaan la la fasaxay duulimaadka iyo dagitaanka diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mareeyaha garoonka ayaa sheegay in ay dhamaatay Doorashadii awalba loo hakiyey iyo bandowgii Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho shalay saarnaa

Waxa si caadiya u socota shaqada Iyo dulimaadyada diyaaradaha gudaha iyo dibadda ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo shalay hakad loo geliyay sababo la xiriira doorashadii dalka.

Dhinaca kale waxaa gebi ahaan dib loo furay waddooyinka waaweyn ee Magaalada iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda, maadaama Bandow uu saarnaa, iyadoona la hakiya kala socodka Magaalada Muqdisho.

Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo dib loo fasaxay
To Top