WARARKA SOOMAALI

MUUQAAL: Shacabka Khaatumo oo ku gacansaydhay heshiiskii Cali khaliif iyo Somaliland iyo Banaanbaxii Buuhoodle Ab-his loo direy xubnahaasi inay ka baxaan Buhodle-VIDEO.

Waxaa maanta magaalada Buuhoodle ka dhacay Banaanbax Balaadhan oo looga soo Horjeeday Heshiiskii ay Gaadheen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi yahay mid Xaaraan ah, Islamarkaana aysan Jirin Cid uu ku matalo Cali Khaliif oo u dirsatay, waxayna sheegeen inay yihiin dad Soomaaliyeed ee ka tirsan Dawladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana dadka Heshiiskaasi dhexmaray ay yihiin Soomaali-diid.

Waxaa sidoo kale Halkaasi ka hadlay Isimada dhaqanka oo ay kamid yihiin Suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad C.risaaq Garaad Soofe, Waxayna sheegeen inaysan waxba ka Jirin Heshiiskaasi Caynaba ka dhacay, Islamarkaana aysan Qusaynin Beesha dhulbahante.

SOMALI NEWS

To Top