WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo galabta Gaadhay Dalka Ugaandha iyo Taliyaha Ciidamadda oo ka waramaya ujeedka Safarka-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo garoonka diyaaradaha Entebbe ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Uganda ayaa la xiriira sidii dalalka gobolka uu taageero milateri uga heli lahaa, sidii guluf dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab oo maamusha qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa la balansan dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM uga qeyb qaadan lahaayeen gulufka dagaal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tagi doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo madaxda dalalkaas uu kulamo gaar ah la qaadan doono.

SOMALI NEWS

To Top