WARARKA SOOMAALI

Musharaxiinta Mucaaradka oo Banaanbax cusub ku dhawaaqay iyo…

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar labaad ku baaqay banaanbax nabadeed oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka daahsoon, xili maalmo kahor laga hor istaagay.

Guddoomiyaha Musharaxiinta Sheekh Shariif oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in weli ay ku taagan yihiin mowqifkoodii ahaa in banaanbax la qabto, isla markaana ku dhawaaqay in maalinta Jimcada soo socota uu dhici doono banaanbax.

Waxaa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid Dastuuri ah oo lagu dalbanayo in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, ayna ku raadineyn dagaal, wuxuna caddeyay in markii horey dowladda si sharci darro ah ugu hor istaagtay banaanbax ay qaban lahayen.

Nasiib darro ayuu Sheekh Shariif ku tilmaamay in weli dowladda Federaalka ay wax cudur daar ah ka bixin is hor istaagii ay ku sameeysay banaabixii horey ugu baaqeen Musharaxiinta Madaxweynaha oo qaarkood la rasaaseeyay Midowga.

Ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ayuu Sheekh Shariif ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa nabadeed ee maalinta Jimcada ka dhigi doona fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top