WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo baaq xasaasi ah u dirtay Maamulada Puntland iyo Jubbaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedeedu dhammaaday ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ugu baaqday inay kasoo qeyb galaan Shirka uu ku baaqay Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni looga dalbaday inay kusoo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo sooj eedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda ayaa sheegtay in baahi loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo, ayna  xal u aragta in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa Qoraalka intaas lagu sii daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Axmed Madoobe ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Farmaajo, waxaana labada Madaxweyne ay ka baaqdeen safaro ay ku imaan lahaayeen Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top