WARARKA SOOMAALI

Musharaxiin u gudbay wareegay 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay Natiijada rasmiga ah ee doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in afar Musharax ay u gudbeen wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha, kuwaasi oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Musharaxiin ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku haray wareega koowaad ee doorashada.

Afarta Musharax ee gudbay ayaa Natiijadan kala helay:

1- Saciid Cabdullaahi Deni 65 Cod

2- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59 Cod

3- Xasan Sheekh Maxamuud 52 Cod

4-Xasan Cali Kheyre 47 Cod

Musharaxiin u gudbay wareegay 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha dalka
To Top