WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha Somalia

Waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ku tartamay 37 Musharax, waxaana doorashada oo la galay saddex wareeg oo midkii ugu dambeeyay isugu soo hareen laba Musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shantii sanno ee lasoo dhaafay hoggaaminayay dalka.

Doorashada wareega saddexaad oo tartan adeg la galay ayaa waxaa ku guuleystay oo Madaxweynaha cusub ee afarta sanno ee socota dalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay Codad gaaraya 214, halka Maxamed Farmaajo uu isna helay 109 Cod.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo horey loogu doortay xilka Madaxweynaha sanadkii 2014, wuxuuna markaas ka guuleystay Sheekh Shariif Sh Axmed.

DEG DEG: Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha Somalia
To Top