WARARKA SOOMAALI

TOOS: Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Somalia oo bilaabatay

Waxaa  Goor dhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan toos uga bilaabatay doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya 37 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Musharaxiin kale.

Howlka doorashada ayaa waxaa ku sugan dhammaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda maamul Goboleedyada, Musharaxiinta tartamaya, qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo la casuumay.

TOOS: Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Somalia oo bilaabatay
To Top