WARARKA SOOMAALI

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka oo lagu weeraray Magaalada Garoowe

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerareen Musharax Xildhibaan oo lagu waday in beri lagu doorto Magaaladaas.

Musharaxa Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere) ayaa loo xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP192 oo beri oo Arbaco ah lagu waday in doorashadiisa ka dhacdo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Musharaxa ayaa la weeraray xili uu soo qaatay shahaadada Musharaxnimo, waxaana rasaas ku furay dabley hubeysan oo kasoo horjeeday in kursiga HOP192, si gaar ah loogu xiro Musharaxan.

Rasaasta ay fureen dableyda ayaa la sheegay in dhaawac fudud kasoo gaaray musharaxa la weeraray ee Maxamed Dheere, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay labo kamid ah ilaalada Musharaxa.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgal deg deg ah ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen qaar kamid ah dadka lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday laguna dhaawacay musharaxa Xildhibaan.

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka oo lagu weeraray Magaalada Garoowe
To Top