WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada heer Federaal oo War kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Jowhar

Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka dhacday doorashada lix kursi oo kamid noqonaya Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Jowhar ayaa qaarkood abuureen hadal heyn badan kadib markii mid kamid ah kuraasta ay ku tartameen Musharax goobta ku sugnaa iyo musharax kale oo hoolka doorashada ka maqnaa.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay doorashada ka dhacday shalay Jowhar, waxa ayna guddiga si gaar ah u ammaaneen in sadex dumar loo doortay Xildhibaano lixdii kursi ee shalay la doortay.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa ugu baaqay dowlad Goboleedyada inay sii dardar-geliyaan sidii loo dhammeystiri lahaa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada heer Federaal oo War kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Jowhar
To Top