WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Marka

Qaraxa oo siweyn looga maqlay jugtiisa Xaafadaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu ka dhacay Irida hore ee Garaasha lagu Magacaabo Cawaale oo ku yaalla dhamarka dambe ee Saldhiga Booliska Magaalada Marka.

Dad ku sugan Marka ayaa ku waramay in qaraxa uu ahaa miino la korsaaray Sandaqad ku taalla Irida Garaashka, hayeeshee aysan jiri  khasaaro nafeed oo ka dhashay marka laga reebo burbur gaaray Sandaqado  kale oo ku yaalla Irida Garaashka.

Ciidamada Booliska Magaalada Marka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray wadada hormarta Garaashka si ay u sameeyaan howlgallo baaritaano ah balse markii dambe ay dib u fureen.

Garaashka oo ay hormarto wadada halbowlaha ah ee soo gasha Magaalada Marka  lagana raaco Gaadiidka soo aada Muqdisho ayaa afar Bilood ka kor uu ka dhex dhacay qarax ku geeriyooday Nin la sheegay in Gudaha qaraxa ku diyaarinayay.

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Marka
To Top