WARARKA SOOMAALI

Murankii ka taagnaa kulankii Baarlamaanka ee hadal jeedinta Guddoomiye Jawaari oo la xaliyay-Akhriso

Waxaa la xaliyay muran ka taagnaa kulankii Baarlamaanka ee maanta lagu waday in Guddoomiyaha xilka ka degaya Jawaari uu khudbad ka jeediyo, kaddib markii uu joojiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Muudey.

Dadaalo ay sameysay Madaxtooyada ayaa lagu guuleystay in la xaliyo murankaas, isla markaana maalinta berri uu dhici doono kulanka hadal jeedinta Guddoomiye Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu dood ka keenay kulanka iyo ajandihiisa, isagoo ku adkeysanayay in wixii ku saabsan shirarka uu isaga leeyahay.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayay ayaa aheyd shir guddoonka kulanka marka la furayo oo uu dalbaday Jawaari inuu furo, kaddibna uu jeediyo khudbadiisa istiqaalada, isla markaana dib ugu celiyo mas’uuliyadii uu hayay Golaha Shacabka, intaas kaddibna uu ka mid noqdo Xildhibaanada.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey oo muranadii iyo khilaafkii u dhaxeeyay Guddoonka qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in aanu wax door ah ku yeelan kulamadii xalka looga gaaray ee Madaxtooyada garwadeenka ka aheyd, kaasoo ugu dambeyn suura geliyay in Jawaari lagu qanciyo inuu ogolaado inuu is casilo, si loo soo afjaro xiisada daba dheeraatay.

Sidoo kale Mr Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad iyo xogheynta Baarlamaanka ayaa xiriir wanaagsan u dhaxeyn, tan iyo markii uu khilaafka Baarlamaanka bilowday, waxaana todobaadyo Mr Muudey soo saaray warqad uu shaqo joojin uu ku sameeyay Xoghayaha Baarlamaanka C/kariin Buux, taasoo laga keenay dood sharciyeed.

Si kastaba ha ahaatee kulanka berri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Guddoomiye Jawaari ku soo gaba gabeeyo 5 sano iyo bilooyin uu soo maamulayay Baarlamaanka, iyadoo labo jeer loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

SOMALI NEWS

To Top