WARARKA SOOMAALI

MUQDISHO:Shirka Madaxda Mamuladda iyo Dowladda dhexe oo maanta qodobo adag lagaga doodayo,wax ka ogow….

Waxaa maalintii labaad galay shirka Madaxda Qaranka iyo Maamul Goboleedyada ee ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Wajiga koowaad ee shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in xal laga gaaro Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda Dhexe iyo maamul Gobolleedyada.

Hogaamiyayaasha maamulada waxa ay wajiga koowaad kusoo bandhigeen waxa aasaaska u ah Khilaafka kala dhexeeya dowlada iyo hanaanka ugu sahlan ee xalka looga gaari karo.

Waxa ay wajiga koowaad ee shirka oo dhacay maalintii shalay kusoo bandhigeen tabashooyinkooda ku aadan dowlada iyo Go’aanada ay ka qaateen Khilaafka wadamada Khaliijka.

Waxaa la sheegay in Hogaamiyayaasha Maamul Gobolleedyada ay shirka ka sheegen in Dowladda Dhexe aysan wax la tashiyo ah kala sameyn arrimaha Siyaasadda, waxaana sidoo kale ay dhaliileen Door ay sheegeen in Dowladda dhexe ay ka qaadatay Maamul Gobolleedyada qaar oo Khilaaf uu hareeyay.

Wajiga labaad shirka maanta waxaa diirada lagu saari doonaa isku soo dhawaanshaha madaxda dowlada Dhexe iyo maamulada, waxaana looga gudbayaa dhammaan caqabadaha taagan.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu wadaa in berri la soo gaba gabeeyo islamarkaana dhinacyada Shirsan ay soo saaraan War-murtiyeed ay ku heshiiyeen,iyadoo marka laga soo tago Khilaafka Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ay tahay Arrinta kale ee ugu weyn ee laga hadlayo sidii la iskaga kaashan lahaa Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda dowlada Dhexe ayaa dhaliil ka muujinaaya is barbar yaaca ay wadaan  Hogaamiyayaasha dalka iyo xad gudubyada ay ku hayaan Dastuurka.

SOMALI NEWS

To Top