WARARKA SOOMAALI

Muqdisho:Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyadda Soomaaliya iyo Dowladda dhexe oo maanta furmaya…

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ku baaqay inay shir isugu yimaadaan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, si looga hadlo xalinta khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay yeeshaan Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, tan iyo markii uu soo baxay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, sidoo kale horaantii bishan maamul goboleedyada ayaa shir ay ka maqan tahay dowladda Federaalka ku yeeshay Kismaayo, kaasoo ay kaga dhawaaqeen Gole ay ku mideysan yihiin.

Arrimaha sida gaarka ah shirka looga hadli doono waxaa ka mid ah xalinta khilaafka, dagaalka Al-Shabaab, arrimaha dastuurka oo qodobo ka mid ah la isku haayo, isla markaana sabab u ahaa inuu baaqdo shirkii dib u eegista Dastuurka iyo arrimo kale.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa inay gelinka hore ee maanta soo gaaraan Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo safar ku maqan dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta uu dalka dib ugu soo laabto, si uu uga qeyb galo shirka oo furmi doona gelinka dambe ee maanta.

Shirkan ayaa la ogeyn mudada uu qaadan doono, waxaa jiray shirar horay loogu balamay inuu qaato labo cisho, balse uu todobaad qaatay, kaddib is jiid jiid iyo qodobo la isku hayay, waxaana laga yaabaa in shirkan uu ka duwanaado kuwii hore, maadaama uu taagan yahay khilaaf.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhashay khilaafkii Khaliijka oo horay dowladda Dhexe go’aan dhex dhexaadnimo ka qaadatay, hase ahaatee qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ayaa ka soo horjeestay oo taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana wixii ka dambeeyay isa soo tarayay khilaafaad gudaha ah oo maamul goboleedyada ka dhex dilaacay, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay wado faragelin la doonayo in lagu rido madaxda maamulada.

SOMALI NEWS

To Top