WARARKA SOOMAALI

Muqdisho oo lagu xanibay xubno ka tirsan maamulka Jubaland.

Muqdisho ( HM ) Wararka aanu ka helayno Garoonka diyaaradaha ee  magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu hayo Agasimayaasha Dhalinyarada iyo Isportiga, Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Waxbarshada ee Maamulka Jubaland oo ka bixi rabay Garoonka Aadan Cade ku waas oo laga reebay diyaaradii ay u raaci rabeen magaalada Kismaayo sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Agasimayaasha ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in ay Mudooyinkaana dambe ku sugnaayeen Magaalada  hayeeshee ay Galabta doonayeen in u ambabaxaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in Garoonka  lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, kaasi oo siwayn ugu dhow Axmed Madoobe oo dowladda Dhexe ay siyaasadeed  kula jira.

Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii August 2019 waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay wasiirka amniga Jubaland, kaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho wuxuuna illaa iyo hadda ku jira xabsiga hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA.

Ujeedada xayiraada socdaalka ee Kismaayo ayaa lagu macneeyay isku day ay xukuumadda ku dooneysay in ay ku baajiso xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo ku qorsheysneyd 26-ka September, walow ay baaqatay hadana maamulka Jubaland ayaa ku adkeysanaya inuu qabsnaayo

SOMALI NEWS

To Top