WARARKA SOOMAALI

Daawo:- Maayarka Hargeisa oo yidhi“Bisadda ku nool Hargeisa ayaa nasiib wanaagsan, Qofka Muqdisho Jooga”.

Hargeisa  ( HM) Maayarka magaalada Hargeisa ee maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland, Maxamed Cabdilaahi SOL-TEELKO ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuuna uga hadlay Waxqabadka Dawladda Hoose ay ka wado magaalada Hargeisa Iyo Qorsheyaal kala duwan oo u degsan.

HALKAN KA DAAWO

Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey duqa Caasimaddan dhacda Waqooyiga Dalka ku yaala bariga qaarada Geeska Africa, Dhaliilaha kala duwan ee dul Hoganaya  Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay kamid yihiin Qashinka iyo meelaha Biyo-Mareenka ah oo aan Jirin Xili roobaadka.

Mar wax laga waydiiyey waxa lagu xasuusan doono ayuu Yidhi “Waxaa la igu Xasuusan doonaa Dab-damiska aan ka sameeyay Hargeisa, Bisadda Hargeisa waxay ka Nasiib badan tahay Qofka Ku Nool Muqdisho,  Maalin dhowayd Ciidanku waxay Badbaadiyeen Bisad ku dhacday Suuli,  Halka Muqdisho Maalinkata uu Qarax ka dhaco, oo Naftu ka tahay wax Jilicsan”

Waxaa sidoo kale  la igu xasuusan doonaa sidoo kale  Qalab ay leedahay Dawladda Hoose inaan keenay,  Arimaha Caafimaadka, waxbarashada iyo Garoomada.” Ayuu yidhi Solteelko .

SOMALI NEWS

To Top