WARARKA SOOMAALI

Muqdisho: Axmed Madoobe oo maanta hortagaya aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM) – Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Axmed Madoobe ayaa maanta ka qeyb-galaya kulanka guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golahaasi.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbad xasaasi ah ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaalada dalka.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo dheeraad ah weydiin doonoi Axmed Madoobe oo maalmahaan dambe kulamo siyaasadeed ka waday caasimada.

Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa khudbaddiisa ku soo qaado arrimaha gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira, taas oo ka mid aheyd shuruudihii uu hordhigay Villa Soomaaliya, ka hor inta uusan bilaaban shirka wadatashiga Muqdisho.

Si kastabta ha’ahaatee waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo isna warbixin laga dhageystay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top