WARARKA SOOMAALI

Maraykanka oo soo dhoweeyay martiqaadka madaxda dowlad goboleedyada ee Muqdisho

Muqdisho (HM)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Somalia inay si wadajir ah Muqdisho isugu keento Madaxda dowlad Goboleedyada isla si loo dhamaystiro heshiiska doorashooyinka.


Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa sidoo kale waxay si weyn loogu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana lagu dhiirageliyay DFS iyo Dowlad Goboleedyada inay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh.

Dowlada Maraykanka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sida madaxda dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay heshiis uga gaari lahaayeen qabashada doorashada dalka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top