WARARKA SOOMAALI

Mucaaradka Madaxweyne Saciid Deni oo soo saaray Jadwal Doorasho cusub

Kadib Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe Daladda Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada Maamulka Puntland oo hal dhinac ah.

Qoraal kasoo baxay Dallada ayaa waxaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin ilaalinta xasiloonida iyo sharuucdii lagu dhisay Puntland, ayna u arkaan in ay muhiim tahay in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda oo ah 8 Bisha Febaraayo ee sanadka 2024.

Sida ku xusan qoraalkooda, 31-da bisha December waxaa la shaacinayaa liiska xildhibaanada cusub, 1-da January waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kal hore ku dhawaaqay inay qabanayaan doorashooyin qof iyo Cod ah, isla markaana horey ay u tijaabiyeen doorasho noocaasi oo kale ah, balse siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kasoo horjeestay.

Mucaaradka Madaxweyne Saciid Deni oo soo saaray Jadwal Doorasho cusub
To Top