WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Digniin culus u diray Golaha Wasiirada Xukuumadda

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Digniin kama danbeys ah u diray xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka, kadib markii uu shalay kulan deg deg ahaa uu kula yeeshay magaalada Muqdisho.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Xasan Sheekh uu Golaha Wasiirada ugu hanjabay in xilalka laga qaadi doono haddii aysan gudan shaqadooda, gaar ahaan meel-marinta qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Sidoo kale xogta ayaa intaasi kusoo dareysa in Madaxweynaha uu Golaha Wasiirada u sheegay inay ka gaabiyen saameyn ay ku yeeshaan Baarlamaanka Federaalka, isagoo wasiir kasta ka dalbay inuu la yimaado taageerada xildhibannada Beeshiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la tilmaamay inuu saluug ka muujiyay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Si kastaba ha’ahaatee Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweynaha uu doonayo kalfadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka inuu marsiiyo qorshihiisa wax ka bedelka Dastuurka iyo ansixinta Doorashada labada Xisbi ee uu u ololeynayo.

Xasan Sheekh oo Digniin culus u diray Golaha Wasiirada Xukuumadda
To Top