WARARKA SOOMAALI

Dad badan oo ku dhintay fatahaada Webiga ee Magaalada Baladweyne

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, 24-ktii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in labadii sana ee lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh, halka dhowr marna ay jabsadeen biya xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid hantiyeed.

Dhimashada ayaa haatan mareysa illaa 8 qof, kuwaas oo ay biyuhu la tageen, waxaana sidoo kale jira dad weli ku go’doonsan xaafado ka mid ah degmada Beledweyne.

Maayor, Nadar ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo ka dhashay xaaladda Elnino, waxaana soconaya dadaallo ay waddo dowladda Soomaaliya.

Dad badan oo ku dhintay fatahaada Webiga ee Magaalada Baladweyne
To Top