WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Wasaaraddaha maamulka Puntland oo digniin soo saartay.

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray roobab xoogan oo maalmaha soo socda ku soo wajahan degaano ka tirsan maamulkaas kuwaasoo laga cabsi qabo iney geystaan khasaarooyin kala duwan.

Roobab lixaad leh ayaa la filan karaa todobaakaan iney ka da’aan gobolada Sanaag iyo Bari sida ay shaacisay Wasaaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayay dadka uga codsatay iney ka fogaadaan togaga iyo biyo mareenada oo laga cabsi qabo in daadad xooggan ku soo rogmadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda.

SOMALI NEWS

To Top