WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya oo xukuntay Al-Shabaab qayb ka ahaa weerar ka dhacay Kenya-Video+Warbixin.

Muqdisho (HM)-Maxkamada ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay xabsi daa’in ku xukuntay dagaalame Al-Shabaab oo ciidanka dowlada isku soo dhiibay balse isku bedelay “laba wajiile”.

Farxaan Maxamuud Xasan oo lagu soo eedeeyay in uu la shaqeynayey xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida una gudbinayey xogta ciidanka ayaa lagu waramay in uu qirtay dacwadda lagu soo oogay.

Xasan Cali Nuur, gudoomiyaha xeer-beegtada, ayaa saxaafada u sheegay in xukunkan ay ku saleeyeen caddeymo ay ku jiraan qiraalkiisa, maragta markhaatiyeyaal iyo iyo fariin qoraal telefoonkiisa laga helay.

Nuur oo go’aanka maxkamada laga dhawaaqay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasoo maxkamadeynta ka dhacdey ayaa sheegay in xukunsanaha uu haysto fursad uu farxaan ku qaadan karo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa ku sifeeyay Farxaan in uu yahay “laba wajiile halis ku ah Ummadda Soomaaliyeed”; qareenkiisa oo sheegay in uu isa soo dhiibe yahay ayaa codsaday in xorriyadiisa loo celiyo.

Sidda ay wararku sheegayaan, Farxaan ayaa la ogaadey la shaqeyntiisa Al-Shabaab markii ciidamada ku hogaamiyey goob qaraxyo loogu maleegay balse uu ku sheegay in ay joogaan xubno Al-Shabaab ah.

Caddeymaha lagu helay waxaa kamid ah fariimo qoraal ah oo uu la wadaagay hogaamiyihiisa Xasan Khaliif Dhagey “kaasoo soo baray qaabka loosoo gudbiyo macluumaadka ciidanka dowladda”.

Waa kuma Farxaan Maxamuud Xasan?

Magacyadiisa afgarashada ayaa lasoo wariyey in ay kala yihiin; Quule, Faysal iyo Caraab. Sanadka markii uu ahaa 2010-kii ayuu isla degmada uu kasoo jeedo ee Beledxaawo kaga biiray ururka.

Mucaskarka Hareera, duleedka Qanshax-dheere, gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu tababar kusoo qaatay, isagoo kamid ahaa 900 dagaalameyaal oo tababar loo furay.

Horjoogeyaal ay kamid yihiin Cali Dheere, Burhaan, Kumaandoos iyo ajnabi reer Suudaan ah ayaa ka qeybgalay munaasabadii tababarka loogu soo xiray, sidda ay warisay warbaahinta dowlada Soomaaliya.

Tobban dagaalame oo loo qaatay ilaalinta xabsiyada qarsoon ee Al-Shabaab ku xirto shaqsiyaadka ay u haysato Basaasnimada ayaa la sheegay in uu kamid ahaa si gaara Kismaayo, Saakow iyo Jilib.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, weeraro ka dhacay Afmadow, Kudhaa, Buula Xaaji, Baar-sanguuni iyo tuulooyin kale ayuu kamid ahaa. Si lamid duulaankii xerada Mareykanka ee Kenya, Manda Bay, ayuu kaalin ka cayaaray.

Wallow doorkiisa uusan si cad u shaaci xilli uu u waramayay telefishinka dowladda, haddana wuxuu qirtay in uu ku wehliyey dableydii fulisay gulufkaas illaa degaanada Haami-Tana River iyo Juba ee Kenya.

“Annaga waxaan ahayn 70, halkaasna waxaa ka timid 115; wixii halkaas [Kenya] ka yimid iyo kuwii inta [Soomaaliya] ka baxay illaa haatan qaarkood meel laguma sheego,” ayuu Farxaan ka dhawaajiyey.

Hujuumkaan dhacay bishii Janaayo ee sanadkan 2020 waxaa lagu dilay saddex Ameerikaan ah, iyaddoo lagu burburiyo diyaarado milatari. Xeradaas waa mid kamid ah baraha uu Mareykanka kasoo qaado duqeymaha dhanka cirka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top