WARARKA SOOMAALI

Meydka Nin Oromo ah oo laga soo saaray Barkad uu ku dhacay duleedka Hargeysa

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay  tuulada Garabays oo 10 km koonfur galbeed ka xigta Magaaada Hargeysa kadib markii Barkad uu ku dhacay Nin kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Ninka oo lagu Magacaabi jiray  Bashiir Cabdillaahi Abokor ayaa muddo badan deganaa Tuulada Gaeabeys, waxaana markii uu Barkadda ku dhawacay uu waayay cid u gurmata, balse Ciidamada Dab-demiska Hargeysa oo goobta tegay ay maydka ka soo saareen Barkada.

Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa gaaray goobta Barkada ku taalla, isla markaana kasoo saaray Meydka Ninkii ku dhacay, kaasi oo la sheegay inuu kasoo jeedo Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Dhacdooyinka la xiriira dadka ku dhacaya Barkadaha ee dhulka Miyiga ah ee kuyaalla duleedka Magaalada Hargeysa ayaa aad u badan, iyada oo dad u badan Carruur ay dhowr jeer ku dhinteen.

Meydka Nin Oromo ah oo laga soo saaray Barkad uu ku dhacay duleedka Hargeysa
To Top