WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliska ATMIS oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee Atmis.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaasha Guutooyinka 3aad iyo 4aad ee Ciidanka XDS, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa looga arrinsaday howlgalada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle,

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka argagixisada cadowga ah.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliska ATMIS oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab
To Top